ONLF oo beenisay in Qalbi-dhagax xil looga magacaabay Ismaamulka Soomaalida

Ururka ONLF ayaa beeniyay in C/Kariin Sh.Muuse Qalbi-dhagax xil looga magacaabay Maamulka Soomaalida ee laga yagleelayi dhulka Soomaalida.

Afhayeenka Ururka ONLF ayaa waxaa uu Idaacadda Mustaqbal u xaqiijiyay in C/Kariin Sh. Muuse Qalbi-dhagax uusan ku jirin xubnaha cusub ee uu shalay magacaabay Madaxweynaha dowlad Degaanka Mustafe Maxamed Cumar.

Hirmooge ayaa sheegay in Magaca C/Kariin Sh.Muuse uu ka soo dhexmuuqday liiska dadka lamagacaabay hayeeshee uusan ahayn Qalbi-dhagax ee uu yahay qof kale oo ay magac wadaagt=yihiin,kaas oo horay uga tirsanaa Ciidanka Asluubta ee degaanka islamarkaana mar la xiray.

Afhayeenka ONLF ayaa sheegay in Ururkooda uusan ka qeyb galayn Nidaamka KMG ah ee dowlad Degaanka Soomaalida hadda ka socda islamarkaana iyaga aanay hadda ku jirin maaamulka KMG ah ee la dhisayo.

Mustaqbal media

Read Previous

Maamulka Sh.hoose oo dal baday boolis dheeraad ah

Read Next

Somalia-China cooperation growing stronger: expert