Goolhayaha kooxda Liverpool Karius ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda reer turki ee Besiktas.
Kooxda Jurgen Klopp ayaa qiimo badan kala soo baxday Alisson oo ay kala soo wareegtay Roma si ay ugu daboosho baahideeda Goolhaye.
Loris Karius ayaa ka degay Turkiga isla markaana Tijaabada caafimaad u maray naadigiisa cusub ee Besiktas oo uu heshiis Amaah ah kula joogi doono labada sano ee soo socota.
