Atletico Madrid ayaa war rasmi ah kasoo saartay heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaca kasoo gaaray difaaceeda Juanfran, kulankii ay la ciyaareen kooxda Rayo Vallecano.
Kooxda ka dhisan caasimada Madrid ayaa waxay shaaca ka qaaday in Juanfran uu dhaawac kasoo gaaray muruqa bowdada ee lugta bidix, isla markaana uu seegi doono kulanka soo aadan ay kula ciyaari doonaan horyaalka La Liga kooxda Celta Vigo.
Warka kasoo baxay kooxda Atletico Madrid ayaa lagu sheegay kadib markii uu laacibka reer Spain ee Juanfran maray baaritaano caafimaad heerka dhaawaca difaaca reer Spain.
“Kadib baaritaanada caafimaad uu maray Juanfran wuxuu dhaawac kasoo gaaray muruqa bowdada ee lugta bidix, waxaana laga war sugi doonaa mudada uu ku soo kaban karo”.
Kooxda ayaan shaaca ka qaadin mudada uu Juanfran garoomada ka maqnaan doono, lakiin sida caadiga ah dhaawacyada noocaan oo kale ayaa waxay sababaan in lalal maqnaado ugu yaraan 10 maalmood.
