Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa soo saaray Liiska oo ay ku jiraan xiddiga Divock Origi kadib markii uu ku fashilmay in uu kooxda ka tago maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga.
Klopp ayaa magacaabay 21 xiddig oo kooxda waaweyn ah kulamada ay la ciyaari doonaan kooxaha Paris Saint-Germain, Napoli & Red Star Belgrade.
Waxa Liiska laga dhex waayay xiddigaha wacadaraha ka dhigaya ee oe Gomez & Trent Alexander-Arnold taas oo ka yaabisay taageerayaasha Liverpool laakiin sababta ayaa ah in ay labadooduba dhashaeen kadib 1 bishii January ee sanadkii 1997 taas oo la macno ah in lagu dari doono liiska 2-aad ee Liverpool laakiin u ciyaari karaan kooxda Liverpool.
Dhanka kale tababare Jose Mourinho ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu isna kaga qayb gali doono isaga oo ku soo daray da,yarka Lukasz Bejger kaas oo kooxda ku soo biiray bishii hore kadib markii ay ku garaaceen kooxda Man City.
Lukasz Bejger ayaa tababarka la qaadanayay kooxdiisa Man United ee da,doodu tahay 21 jirada halk uu jose Mourinho ku soo daray liiska xiddigo da,yar ah oo kooxdiisa ah.
Waa kuwan Liiska Xiddigaha Liverpool ay uso xulatay Champions League-ga.
Alisson Becker, Simon Mignolet,Fabinho, Gini Wijnaldum, James Milner, Naby Keita, Jordan Henderson, Adam Lallana, Xherdan Shaqiri,Roberto Firmino, Sadio Mane, Mohamed Salah, Daniel Sturridge, Divock Origi, Dominic Solanke.
