Leicester City oo amaah ku dooneysa Danny Drinkwater.

Kooxda Leicester City ayaa lagu soo waramayaa  inay amaah ku dooneyso  ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Danny Drinkwater bisha Janaayo.

Drinkwater ayaa Chelsea kaga soo biiray Foxes sannadkii hore, lakiin waxa uu tan iyo markii uu ku dhibtoonayay inuu boos joogta ah ka helo Stamford Bridge, waxaana laga yaabaa inuu dib ugu laabto kooxdiisii hore.

Leicester ayaa la fahamsan yahay inay dalab kaso gudbisay xidigeedii hore ee Danny Drinkwater.

28 jirkaan ayaa 22 kulan u saftay Chelsea tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Somali Smuggler Brought at Least 50 Migrants to the TX, CA Borders

Read Next

Manchester City Oo wadahadalo heshiis kor dhin ah la bilaawday Kompany.