Kenya oo Sirdoonka Talyaaniga u diidday in ay dalkeeda ka baaraan Gabadha la la’yahay

Silvia Romano

Dowladda Kenya ayaa Hay’adaha sirdoonka Dalka Talyaaniga ka diidday in ay dalkeeda ka fuliyaan howlgal lagu baadi goobayo Silvia Romano, oo ah 23 jir u dhalatay Talyaaniga oo lagu afduubtay Kenya.

Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay in 8 jeer ay Xukuumadda Nairobi weydiisteen fasax ah in sirdoonka Dalka Talyaaniga iyo khubarro wax baara ay gudaha Kenya galaan.

Saraakiil u hadashay Talyaaniga ayaa sheegay in Dacwad oogaha guud ee Kenya Nuuraddiin Xaaji ay dhowr jeer la hadleen marna si gaar ah ula kulmeen, balse uu ka diiday in uu ka aqbalo.

Dowladda Kenya ayaa ka gaabisay baadi goobka Silvia Romano, oo 20kii Novermber 2018kii laga afduubtay degaanka Kalifi ee Dalka Kenya taas oo ilaa hadda la la’yahay halka lagu hayo.

Dowladda Talyaaniga ayaa is weydiisay sababta Ciidanka Kenya ay u soo badbaadin la’yihiin gabadhaas, haddii aysan awoodinna ay sirdoonka Talyaaniga ugu diideen in ay galaan Kenya si ay u baaraan halka lagu hayo Gabadha lagu magacaabo Silvia Romano.

Wargeyska  Corriere della Sera, ee ka soo baxa Dalka Talyaaniga ayaa qoray in ay u badan tahay in Gabadhaas lala aaday gudaha Soomaaliya halkaasna ay ku heystaan kooxda afduubatay oo aan ilaa hadda la ogeyn cidda ay yihiin.

 

Web master

Read Previous

Barcelona isha ku heysa Marcus Rashford.

Read Next

Tuugo ku hubeysan Tooreey iyo Bistoolada oo Dadweynaha ku boobaya Suuqyada Muqdisho