MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Kooxda Barcelona ayaa isha ku heysa dhaliyaha da’da yar ee kooxda Man United iyo xulka Englan Marcus Rashford.
Barcelona ayaa wali suuqa ka baadi goobeysa badalka Suares oo ay da’du heyso waxaana macquul ah in xili ciyaareedka dambe kooxda laga diro.
Agaasimaha ciyaaraha kooxda Barcelona ayaa ku fikiriya in Antoine Griezmann ama Rashford midkood la keeno kooxda dhamaadka xili ciyaareedkan kuwasoo noqon doona badalka Suares.
Suarez ayaa dhaliyey 21 gool 39 kulan oo uu u saftay kooxdiisa xilli ciyaareedkii hore, laakiin xiddiga heerka caalami ee dalka Uruguay ayeey da’diisu noqon doontaa xili ciyaaredka dambe 34-jir waxaana mugdi gali doono mustaqbalkiisa Barcelona.
