Kenya oo sheegtay in Hubkii lagu weeraray Dusit Hotel ay lahayd dowladda Somaliya

Saraakiisha amaanka dalka Kenya  ee dabagalka ku haya dadkii ka dambeeyay weerarkii Dusitd2 ee todobaadkii hore ka dhacay magaalada Nairobi ayaa sii wada baahinta xogaha ku gedaaman weerarkaas.

War ay soo saareen waxaa ay ku sheegeen in Hubkii loo adeegsaday weerarkii Nairobi ee todobaadkii hore ay lahayd Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wargeyska Dailynation oo xiganayay saraakiisha amaanka ayaa qoray in qaar ka mid ah Qoryaha weerarkaas loo adeegsaday ay ahaayeen kuwo leh Nambar sireedka Hubka ay iibsatay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxa kale oo uu Wargeysku intaas ku daray in inkasta oo qeyb ahaan la tiray nambar sireedyada Qoryaha haddana la aqoonsan karo,islamarkaana ay yihiin hubka Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa wali wadda baaritaan la xiriira dadkii ka dambeeyay weerarkaas oo intooda badan la aqoonsaday qoysaskoodana la soo xir xiray kuwaas oo isugu jira Kenyaan iyo Soomaali.

Weerarkii DusitD2,waxaa ku geeriyooday 21 Qof  sida ay sheegtay Dowladda Kenya,waxaana ku dhaawacmay kuwo kale oo intaas ka badan.

Mustaqbal media

Read Previous

Guddoomiye Mursal oo ku hanjabay in uu is casilayo haddii aan la siideyn abuu Mansuur

Read Next

Hirshabelle oo xabsiga dhigtay Ganacsato loo heysto in ay lacag siiyeen Al-shabab