Hirshabelle oo xabsiga dhigtay Ganacsato loo heysto in ay lacag siiyeen Al-shabab

Maamulka Hirshabeelle ayaa xabsga dhigay qaar ka mid ah Ganacsatada Magaalada Jowhar kuwaas oo lagu eedeeyay in ay lacago siiyeen AL-shabab.

Ciidamada Nabad Sugidda ee Magaalada Jowhar ayaa xiray Ganacsatada oo uu maamulka ku eedeeyay in ay dhaqaale siiyaan AL-shabaab.

Qaar ka mid ah Ganacsatada ayaa ku doodaya in ay lacagta u dhiibayaan amnigooda islamarkaana maamulka Hirshabeelle uusan damaanad qaadi karin badbaadinta naftooda iyo hantidooda.

Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ayaa Ganacsatada ku cadaadiya in aysan Lacago siin karin Al-shabaab,haddii ay siiyaanna ay la mid noqonayaan Al-shabab.

Sidoo kale dowladda iyo maamul Goboleedyada waxaa ay Dadka uga digaan in aan loo garsoor doonaan karin Maxkamadaha Al-shabaab.

Dhawaan Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka ayaa sheegay in saddex qof la xiray kuwaas oo ku qanci waayay garsoorka dowladda una garsoor doontay Al-shabaab.

Mustaqbal media

Read Previous

Kenya oo sheegtay in Hubkii lagu weeraray Dusit Hotel ay lahayd dowladda Somaliya

Read Next

Mareykanka oo ciidan u soo diraya Somaliya