Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya
Saraakiil katirsan Hay’adaha ammaanka ee Kenya ayaa sheegay in ay xoogga saarayn howlgallada looga hortagayo ‘AS’ si loo kala dhantaallo isu gudubkooda Soomaaliya iyo Dalkaas sida hadalka loo dhigay.
Kenya ayaa ciidamo si gaar ah u tababaran ka howlgelisay deegaannada dhaca Xadka Soomaaliya, waxa ay ujeedka ku sifaysay in ay kahortagayaan weerarrada iyo qaraxyada ay ‘AS’ ka gaystaan qaybo kamid ah Dalkaas.
Ciidamada Kenya ayaa saldhigyo cusub samaystay, waxaana ay gacanta ku dhigeen dad ay ku tuhmayaan in ay xiriir la leeyihiin ‘AS’ kuwaas oo qaarkood la geeyay xarumaha baarista ee ciidanka Ammaanka sida xoguhu muujinayaan.
Cutubka gaarka ah ee loo soo gaabiyo SOG (Special Operations Group) ayaa saldhigyo joogto ah ka samaystay deegaannada qaar ee xadka Soomaaliya dhaca halka ay roondo ku maraan deegaanno dhowr si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa Dadka.
Mustaqbal
