Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan
Magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya ahna Xarunta Midowga Afrika waxaa maanta ka furmaya shir looga hadlayo Mustaqbalka Ciidanka AUSSOM ee jooga Soomaaliya kaddib markii dhibaato dhinaca dhaqaalaha ah uu soo wajahay howlgalkaas.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warqad casumaad ah la gaarsiiyay Safaaradda ay ku leedahay Magaalada Addis Ababa si ay uga qaybgasho shirkaan oo looga hadlayo mustaqbalka ciidanka Afrikaanka ah ee Dalka jooga.
Qodobada kasoo baxa Wadahadalkaan waxa uu horudhac u yahay kulan weyne qabsoomaya 31ka Bishaan oo ka dhacaya Magaalada Kampala ee caasimadda Uganda iyada oo lasoo saari doonno go’aanka ugu dambeeya ee Mustaqbalka AUSSOM.
Ilo kala duwan ayaa Mustaqbal Media u sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay la shirtagayso ajandayaal la xiriira diyaarinta ciidamada iyada oo aanay meesha ka marnayn sida ay ugu diyaargarowday buuxinta saldhigyada ciidamada qaarkood.
Dowladdu waxa ay kulamo la xiriira dhinaca Amniga iyo arrinta suuragal ka dhigi karta inay Ciidanka Afrikaanka ah ay waqti weliba dalka ka bixi karaan la qaadatay Dowladaha taageera iyada oo u bandhigtay arrimo ku saabsan in ay doorkooda ka qaataan arrimahaan soo kordhay.
Kulamadii soo billowday 8dii bishaan waxaa uu hadda isu baddelay mid guddi farsamo uu la wareegayo howsha howlgalka AUSSOM iyada oo Saraakiisha iyo Madaxda Dalalka ciidankaas ku deeqay ay kawada hadli doonnaan culayska soo kordhay ee dhinaca dhaqaalaha ah.
Mustaqbal
