Jubaland oo soo bandhigtay labo Nin oo ay sheegeen in ay ka goosteen Al-shabab

Ciidamada Nabad Sugidda Maamulka Jubaland gaar ahaanna Degmada Af-Madow ayaa soo bandhigay Labo Nin oo ay sheegeen in ay ka goosteen Al-shabaab  islamarkaana isu dhiibeen Maamulka Jubaland.

Taliyaha Ciidanka Nabad sugidda Jubaland ee Af-Madow Aar Sheekh Cali ayaa sheegay in labada Nin ay wataan Labo Qori oo 47 ah iyo Booshashkooda islamarkaana ay ka tirsanaayeen qeybta Jabhadaha ee Al-shabaab.

Magacyada labada Nin ayaa lagu kala sheegay Xasan Gamadiid Cabdi oo 30 jir ah iyo Isxaaq Xasan Ibraahin oo isna 35 jir ah.

Maamulka Jubaland iyo Al-shabab ayaa isugu faana soo bandhigidda Askar ay ku sheegaan in dhinacyada ay ka kala goosteen.

Al-shabaab ayaa inta badan ku soo bandhiga Degmada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe ee Soomaaliya.

Mustaqbal media

Read Previous

Haween loo heysto Al-shababnimo oo ka soo muuqday Maxkamadda Nairobi

Read Next

Xildhibaan Cabdi Shire: “Qareenno ayaan u qabanayaa Haweenka lagu kufsaday Gedo”