Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka
Maxkamadda Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka soo muuqday Haweeney Soomaali ah oo loo heysto in ay xiriir la leedahay Al-shabaab.
Haweeneydan oo lagumagacaabo Xaliimo Aadan ayaa waxaa ay Ciidanka Kenya xabsiga dhigen sanadkii 2015kii,markaas oo lagu eedeeyay in ay AL-shabab u qori jirtay dhallinyarada sidoo kalena maalgelin jirtay.
Xaliima ayaa diidday dhamaan eedaha,waxaana ay sheegtay in iyada oo Nin walaalkeed ah booqaneysa ayna la socdaan labo wiil oo walaalaheed ah ay xireen Booliska.
Waxaa ay sheegtay in labo Sano oo ay ku jirtay Xabsiga aysan ogeyn sababta dhabta ah ee ay u xirneyd iyada oo intaas ku dartay in ay u xirneyd fal aysan shaqo ku lahayn.
Garsooraha Maxkamadda Magaalada Nairobi ayaa dhegeysi kaddib sheegay in Xukunka Xaliimo Aadan la shaacinayo 30ka Bishan August.
