Xildhibaan Cabdi Shire: “Qareenno ayaan u qabanayaa Haweenka lagu kufsaday Gedo”

Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar jecel oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Idaacadda Mustaqbal uga warray kulan ay ku yeesheen Muqdisho oo ay uga hadleen Kufsi Shan Gabdhood loogu geystay Gobolka Gedo.

Xildhibaanku waxaa uu sheegay in Ciidanka Kenya ay shan Gabdhood ku kufsadeen Gobolka Gedo,isaga oo xusay in ay ashtako u gudbinayaan Dowladda Kenya.

Cabdi Shire Ciyaar Jecel ayaa sheegay in maalinta Axadda ah uu tagayo Magaalada London ee Dalka Ingiriiska kaddibna uu halkaas Qareen uga qabanayo Gabdhahaas.

Waxaa uu xusay in uu u doodo xuquuqda Aadanaha islamarkaana isaga oo fursaddaas ka faa’ideysanaya uu doonayo in xaqa Gabdhahaas uga soo dhiciyo Dowladda Kenya.

Todobaadkii la soo dhaafay Ciidamo Kenyaan ah ayaa kufsi u geystay shan Haween ah,kuwaas oo dadka degaanka ay sheegeen in ay xaaladdooda liitado.

Mustaqbal media

Read Previous

Jubaland oo soo bandhigtay labo Nin oo ay sheegeen in ay ka goosteen Al-shabab

Read Next

The Ethiopian reform, the Horn of Africa and the orphan Somalia