Dowladda iyo shacabka Jabuuti ayaa wal wal aad u xooggan ka muujiyay hadalkii Madaxweyne Farmaajo ka soo yeeray ee ahaa in Eritrea cunaqabateynta laga qaado, kaddib safarkii uu dhowaan ku tagay dalka Eritrea.
Madaxweyne Farmaajo oo bilowgii Todobaadkan booqasho saddex cisho qaadatay ku tagay dalka Eritrea ayaa Asmara kaga dhawaaqay baaq ah in Qaramada Midoobe qaado cunaqabateynta dalkaasi saaran tan iyo 2009kii.
War saxaafadeed kulul oo ka soo baxay Safaaradda Jabuuti ee Muqdisho ayaa walaac looga muujiyay hadalka Madaxweynaha, iyadoo Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Amb. Aadan uu saaka ka dhoofay Muqdisho.
“Dowladda iyo Shacabka Jmahuuriyada Jabuuti, waxey aad uga nexeen hadalkii Madaxweynaha Somaliya Farmaajo ee ahaa qaadista Cunqabateynta saraan Eritrea tan iyo 2009, Iyadoo lagu eedeeyay iney taageerto Al-Shabaab oo ah urur argagixiso” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka ka soo baxay Dowladda jabuuti.
Dagaal mudo socday oo dhexmaray dalalka Jabuuti iyo Eritrea oo al xiriira arimaha Xuduuda ayey Xukuumada Geelle ku sheegtay iney ka soo gaartay Khasaare lixaadleh.
“Jabuuti dhibaato ayaa soo gaartay waxayna ku weysay wiilal iyo gabdho geesiyaal ah dagaal ay la gashay Eriteria walina murankaas waa ka jiraa xuduudda labada dal. Uma dul-qaadan doonno wadahadallo naxariis-darro ah iyadoo wiilasheenna iyo gabdhaheennu ay wali Soomaaliya u joogaan inay difaacaan nabadda iyo xasilloonida”
Si Kastaba, Madaxweyne Farmaajo, wali maka hadlin Warsaxaafadeedka carada ka muuqato ee ka soo baxday Dowladda Jabuuti Safaaradeeda Muqdihso, iyadoo wafdigii Madaxweyne Farmaajana Isniintii ina dhaaftay ay dalka dib ugu soo laabteen.

