Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax xoogan oo ka dhacay Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer.
Qaraxa, waxaa fuliyay ruux isku soo xiray walxaha Qarxa kaa soo bartilmaameedsaday gaari ay wateen dad isugu Masuuliyiin hore, Siyaasiyiin iyo Odayaal Deegaanka ah oo saarnaa gaari NOAH ah.
Gaariga la isku qarxiyay, waxaa saarnaa; C/Fitaax Maxamed Cali (Rotman) oo soo noqday la taliyihii arimaha Siyaasada Ra’iisul wasaarihii hore ee Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, Axmed Maxamuud Doolaal oo isagana ahaa Wasiirkii hore ee arimaha Gudaha Khaatumo iyo Col. C/raxmaan C/llaahi Axmed Nuur (Afweyne) oo kamid ah saraakiisha Ciidamada Puntland ee Deegaanka ceyn.
Suxufiyiin ku sugan Buuhoodle, waxey soo sheegayaan in Qaraxa ay ku geeriyoodeen Cabdifataax Maxamed Cali (Ina Rotman) iyo Axmed Maxamuud Doolaal oo soo noqday wasiirkii arimaha gudaha Khaatumo.
Waxaa la helay Maydka qofka loo malaynayo inuu is qarxiyey oo wajigiisu badqabo halka jidhkiisa kale googo’ay walina ma jirto cid aqoonsatay qofka uu yahay wajigan la helay ee qofka wax qarxiyey.
Waxaa dhaawac fudud soo gaarey Yuusuf Cismaan Baxnaan (Dhagcas) oo kamid ah odayaasha deegaanka sida weyn looga yaqaano, iyo Col Cabdiraxmaan Afweyne oo isagu dhaawac sahlan qaba. iyo darawalkii baabuurka masuuliyiinta waday.
Buuhoode loogama baran falalka noocan ah bulshada ayay anfariir ku noqotay dhacdadan aadka looga naxay waxaana kumanaan qof ay buux dhaafiyeen meesha qaraxu ka dhacay iyadoo markii danbe ciidamada amaanku rasaas ku kala eryeen dadka meesha isasoo dhoobay
