Indha-qarshe: “ waxaan ogahay inta mudaharaadeysa in ay lumi doonto”

Jeneraal Daahir Aadan Cilmi Indha –qarshe ayaa sheegay in Ciidamada ku jira dowladda ee todobaadyadii la soo dhaafay ka baxayay saldhigyadooda laga saari doono Ciidanka Xoogga dalka.

Jeneraalku waxaa uu sheegay in Askariga muwaaddinka ah ee aan ka bixin saldhiggii la geeyay uu yahay midka ku haraya ciidamada xoogga dalka inta gadoodka sameysayna laga saarayo Ciidamada xoogga.

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Daahir Aadan Cilmi Indha qarshe ayaa sheegay in dhismaha Ciidamada Dalka uu baahan yahay qorsheyn iyo go’aamada la qaato oo la dhaqangeliyo.

Mustaqbalka Ciidamada Soomaaliya ayuu sheegay in Madaxda Dowladda federaalka in ay u socdaan, iyada oo taasi laga duulayo loo baahan yahay in saraakiisha ay qayb ka qaataan howshaan.

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay in mas’uuliyadda ugu weyn ee saaraan Ciidamada iyo hogaankoodaba ay tahay in ay ka go’naato u shaqeynta dalka.

Waxa uu isweydiiyay in hadii aan la heyn liiska diiwaangelinta Ciidamada sida loo heli karo tirada ay gaarsiisan yihiin Ciidamada.

Dhaqaale sameynta iyo qorshaha lagu kala hagayo ayuu sheegay Taliye Daahir in sal looga dhigi karo ku dhaqaaqista isla jiheynta mustaqbalka dhismaha Ciidamada sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamada Dowladda ayaa maalmihii lasoo dhaafay gadood ka sameynayay mushaar dhowr bilood ah oo heysata, Madaxda Dowladda iyo saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in la wado qorshaha diiwaangelinta askarta.

 

Web master

Read Previous

Maamulka Kismaayo oo dalbday in la caawiyo dadka ku nool waqooyiga Magaalada

Read Next

Turkish, Somali foreign ministers meet in Istanbul