Imaam Masaajid oo lagu dilay Baxreyn

Dowladda Baxreyn ayaa sheegtay in ay heshay Meydka Imaam Masaajid oo inta la dilay kaddibna Boorso lagu riday lana tuuray.

Dowladdu waxaa ay sheegtay in ay gacanta ku dhigtay in ka soo jeeda Qaaradda Aasiya oo looheysto dilka Imaamka.

Imaam Abdul Jalel Hamoud Al Ziyadi,ayaa la dilay kaddib markii Mu’addinka Masaajidka oo ka soo jeeda Aasiya uu ka hor istaagay in uu ka iibiyo Fiisooyin sharci darro ah dadka ka soo jeeda qaaradda Aasiya ee Masaajidka ku dukanayay.

Wasaaradda arrimaha gudaha Baxreyn ayaa sheegtay in Meydka Imaamka laga helay degaanka Al Mazraa,sidoo kalena uu xabsiga ku jiro qofka dilka lagu tuhmayo.

Mu’addinka ayaa inta badan Fiisooyinka sharci darrada ah ka iibinayay dadka u dhashay Bangaladesh ,Hindiya iyo waddamo kale.

Mustaqbal media

Read Previous

Hooyada dhashay Guddoomiyaha Xamarweyne oo ka hadashay xarigga wiilkeeda

Read Next

Ethiopia’s Somali regional parliament restores flag, amends name