Hooyada dhashay Guddoomiyaha Xamarweyne oo ka hadashay xarigga wiilkeeda

Hooyada dhashay Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne,ayaa ka hadashay xarigga wiilkeeda,waxaana ay sheegtay in wiilkeeda uu ku xiranyahay dabin loo dhigay.

Waxaa ay sheegtay in Xisaabiyaha Dowladda hoose ee Muqdisho uu dabinkaas u dhigay wiileeda islamarkaana lacago loogu talagalay dad masaakiin ah uu xisaabiyaha dalbaday in saami laga siiyo.

Cumar Shariif Hooyadii ayaa Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ka dalbatay in wiilkeeda laga siidaayo xabsiga si shuruud la’aan ah.

Cumar ayaa la xiray todobaadkii la soo dhaafay kaddib amrkii lagu eedeeyay in uu af lagaaddo u geystay Booliska Qaranka,Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xafiiska Ra’isalwasaaraha Soomaaliya.

Muuqaal laga duubay Cumar ayaa muujinayay isaga oo taagan guri la bur buriyay oo ku yaalla Xamarweyne,kaas oo warqadda lagu bur buriyay uusan isaga ogeyn,isaga oo warqadda haya ayuu sheegay in Gurigaas la dumiyay isaga oo aan la ogeysiin musuq maasuqna tahay waxa ka socda Gobolka.

 

Mustaqbal media

Read Previous

Midowga Afrika oo bogaadiyay dowladaha Somaliya iyo Itoobiya

Read Next

Imaam Masaajid oo lagu dilay Baxreyn