Howlgal Khasaare geystay oo ka dhacay Duleedka Baladweyne.

Carab Yuusuf Nuur Taliyaha Ciidamada Xasilinta Magaalada Baladweyne ayaa sheegay in howlgal Ciidamada ay sameeyeen in ay ku qaadeen Jidgooyooyin dhowr ah.

Waxa uu intaa ku daray in gaadiid Xamuul u badan oo u Xannibnaa in ay kasoo daayeen, ciidamada ammaanka ayuu sheegay in ay wali daba socdaan Burcadda oo baxsatay.

Taliye Carab ayaa sheegay in Wadi kamid ah Gaadiid Xamuul ah oo Khudaar waday uu ku dhaawacmay Israsaaseenta Ciidamada Xasilinta iyo Kooxda Burcadda ah dhexmartay.

Howlgaladaan ayuu tilmaamay in ay sii joogteen doonaan illaa inta ay kasoo afjarayaan Kooxaha Isbaarooyinka u dhigta Gaadiidka.

Shacabka waxa uu ka dalbaday taliyaha Ciidamada Xasilinta Magaalada Baladweyne in ay ku wargeliyaan kolka ay arkaan Kooxaha dhaca u geysta si ay gacanta ugu soo dhigaan.

Illo wareedyo ayaa Mustaqbal Radio u sheegay in Iska Hor imaadka dhexmaray Ciidamada Ammaanka Baladweyne kooxda Burcadda uu Muddo socday, waxaana la sheegayaa in khasaare kala gaaray.

Taliye Carab waxa uu sheegay in qof Shacab kaliya uu ku dhaawacmay dhanka burcaddane aan Xog kaheyn waxa gaaray, maadaama ay bartii ay ku sugnaayeen ka carareen.

Mustaqbal media

Read Previous

Real Madrid oo £200m ku dooneysa weraryahan Premier League-ga ka ciyaara, Waa kee?

Read Next

Wasiiru dowlaha Maaliyada oo raaligelin ka biixyay hadalkiisii ahaa “Maayga ma fahmo”.