Howlgal gaar ahaa oo xalay laga fuliyay Degmada Awdheegle

Wararka naga soo gaaramaya Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in Ciidamo isbaheysanayay ay howlgal gaar ah ka fuliyeen Magaaladaas.

Ilaa hadda lama shaacin khasaare ka dhashay howlgalka xalay laga fuliyay Magaalada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Al-shabab ayaa sheegtay in howlgalkii xalay uu fashilmay kaddib markii Ciidankeeda oo difaac ku jiray ay iska hor imaadeen Ciidamada isku dhafka ah oo lug ku galay Magaalada.

Warbaahinta AL-shabab ayaa sheegaya in la duqeeyay magaalada,dagaalka kaddib islamarkaana dhwor gantaal ay ku dhaceen Suuqa ku yaalla Magaalada iyo Gantaal isna la sheegay in uu ku dhacay Xaafadda Caanoole ee ka tirsan Awdheegle.

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa boggeeda Twitter-ka ku shegetay in howlgalkaas lagu soo qabtay walxaha qarax oo ay AL-shabaab damacsanaayeen in ay weerar ku geystaan.

https://scontent-lhr3-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/

Taliska Mareykanka ee Afrika wali kama hadlin weerarka wadajirka ah ee xalay lagu qaaday Magaalada Awdheegle.

Mareykanka ayaa sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab waxaana todobaadyadii la soo dhaafay ay duqeyn ka geysanayeen Maamullada Galmudug,Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.

Mustaqbal media

Read Previous

Danjiraha Turkiga ee Somaliya oo ballanqaaday xoojinta xiriirka labada dal

Read Next

Joint Forces conducted an operation on Al-shabab Strong hold village in Somalia