HORDHACA: Leganes Vs Barcelona+Xaqiiqooyinka kulanka.

Kooxda Barcelona ayaa lumisay rikoodhkii cajiibka ahaa ee ay ku bilaabatay xilli ciyaareedkan kadib markii ay bar-baro ku dhaafi wayday kooxda ay isku magaalada yihiin ee Girona.

Barcelona ayaa cwa la ciyaari doonta kooxda Legenes kulan ka tirsan horyaalka La Liga oo ka dhacaya garoonka Legenes.

Kooxda Ernesto Valverde ayaa dooneysa in ay ku soo laabtaan wadada saxda ah ee guulaha marka ay marti u noqon doonaan kooxda Leganes kulan ka tirsan todobaadkii 6-aad ee horyaalka La Liga.

 Kulanka: Leganes Vs Barcelona

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 9:00 Habeenimo

Garoonka: Estádio Municipal de Butarque

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Barcelona ayaan wax dhibaato ah kala kulmin kooxda Leganes taariikhdooda iyaga oo mar walba guul ka gaara marka ay ka hor yimaadaan tartanka La Liga.

Blaugrana ayaa badisay dhamaan 4-tii kulan ee ay ka hor tageen kooxda Leganes iyaga oo waliba leh rikoodh cajiib ah oo gool dhalin ah iyaga oo dhaliyay 13 gool.

Barcelona ayaa 3 gool dhaliysay kulamadii minika iyo Martida ee horyaalka La Liga ee ay kooxda Leganes Kaga hor tageen xilli ciyaareedkii hore.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Adam Ducaale: “Farmaajo waxaan leeyahay ka roonow dowlad Goboleedyada”

Read Next

HORDHACA: Sevilla Vs Real Madrid+Safafka Macquulka ah.