Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka
Kooxda Sevilla ayaa marti galin doonta kooxda Real Madrid iyaga oo niyad fiican leh kadib markii ay 11 gool dhaliyeen labadii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka La Liga iyaga oo haysta taageerayaashooda garoonka Estadio Ramon Sanchez Pizjuan.
Real Madrid ayaa si fiican ku bilaabatay xilli ciyaareedkan iyaga oo kaliya hal kulan bar-baro galay 4 kulan oo kalena badiyay xilli ay guushii ugu dambaysay ka gaareen kooxda Espanyol.
Los Blancos ayaa kulanka soo galaysa iyada oo niyad ku haysa in ay haatan isku dhibco yihiin kooxda Barcelona waxana ka go,an in ayna mar kale iska khasaarin dhibco kadib markii loo qabtay kooxda Barcelona Axadii.
Kulanka: Sevilla Vs Real Madrid
Tartanka: La Liga
Wakhtiga: 11:00 Habeenimo
Garoonka: Estadio Ramon Sanchez Pizjuan
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Kooxda Real Madrid ayaa ku gacan saraysa dhanka kulamada labada kooxood ee taariikhda horyaalka La Liga iyaga oo 20 kulan oo ka mid ah 53 kulan oo ay labada kooxood wada ciyaareen.
Real Madrid ayaa ku dhibaatootay in ay guulo ka gaarto kulamadii ugu dambeeyay ee ay booqatay garoonka Ramon Sanchez Pizjuan.
Sevilla ayaa badiaay 3 kulan halka ay bar-baro gashay hal kulan 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay garoonkeeda Ramon Sanchez Pizjuan kula ciyaartay Real Madrid.
3 gool iyo wax ka badan ayay labada kooxood kala dhaliyeen 11-kii kulan ee ugu dambeeyay halka ay 5 gool iyo wax ka badan la kala dhaliyay 5-tii kulan ee ugu dambaysay.
Shaxda suurtagalka ah.
Sevilla: Vaclik, Carrico, Kjaer, Comez, Vidal, Navas, Sarabia, Vazquez, Banega, Silva, Ben Yedder.
Real Madrid : Courtois, Carvajal, Varane, Ramos, Marcelo, Casemiro, Modric, Kroos, Asensio, Bale, Benzema.
