Adam Ducaale: “Farmaajo waxaan leeyahay ka roonow dowlad Goboleedyada”

Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada Soomaaliya.

Aadan Ducaale ayaa sheegay in maalin kasta war aan wanaasganeyn uu ka maqlo Soomaaliya,haddii ay tahay Gobollada ama caasimadda Muqdisho.

Waxaa uu sheegay Dowlad Goboleedyada ay dowladda Federaalka ah caqabad ku hayaan,taas oo sababtay in dowladda ay dayacdo amaanka.

Waxaa uu tusaale u soo qaatay dilalkii ka dhacay Muqdisho ee ardeyda iyo dadka kaleba loo geystay.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayuu ugu baaqay in uu isaga ka roonaado dowlad Goboleedyada maaddama isaga ay hoostagaan.

Waxaa uu Aadan ku dooday in Federaalka Soomaaliyaba loo sameeyay khilaaf iyo waqti iska lumin,marka loo eego sida ay ku socoto Siyaasadda Soomaaliya.

Mustaqbal media

Read Previous

Man City oo guul fudud ka gaartay Oxford United.

Read Next

HORDHACA: Leganes Vs Barcelona+Xaqiiqooyinka kulanka.