Bandow lagu soo rogay Magaalooyinka Galmudug xilli loo diyaar-garoobayo Doorashada Qof iyo Cod
Horyaalka UEFA Nations League ee ay ciyaari doonaan xulalka yurub ayaa si Rasmi ah u bilaabmi doona iyada oo lagu bilaabi doono kulan xiiso leh oo dhex mari doona labadii xul ee ku guulaystay labadii koob adduun ee ugu dambeeyay.
Xulka France ayaa kulanka soo galaya iyaga oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay kaas oo u hor seeday ku guulaysiga koobkii adduunka ee ka dhacay Russia.
Dhanka kale Xulka Germany ayaa kulanka u soo galaya sidii ay isaga maydhi lahaayeen ceebtii ka soo gaadhay koobkii adduunka ee Russia kaas oo ay kaga hadheen wareega Group-yada.
Kulanka: Germany vs France
Tartanka: UEFA Nations League
Wakhtiga: 9:45 Habeenimo
Garoonka: Allianz Arena
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Labadan xul ayaa wada ciyaaray kulan saaxiibtinimo ah bartamihii bishii November ee sanadkii hore markaas oo ay ku kala bexeen bar-baro 2/2 ah kulan uu xulka Germany goolka bar-baraha dhaliyay wakhti dambe.
Labada xul ayaa horay u wada ciyaaray 14 kulan iyada oo uu xulka France rikoodh fiican ku leeyahay kulamadaas iyaga oo badiyay 7 kulan 4 guuldaro oo kaliyana kala kulmay.
Arinta xiisaha leh ayaa ah in ay labada xul kaliya gool dhaliyeen hal kulan 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay wada ciyaareen.
