HORDHAC: Man United vs PSG Oo Markii Ugu Horeysay Isaga Hor Imaanaya Tartan Caalami ah.

Waxaa dib loo ciyaari doonaa Tartanka ugu xiisaha qaarada yurub ee Uefa Champions League wareega 16ka.

Kooxda Man United ayaa ciyaarta ugu xiisaha badan garoonkeeda ku qaabili doonta kooxda PSG.

United ayaa hada ku jirta waqtigeedii ugu fiicanaa ee xili ciyaareedkan iyagoo aan wax guuldaro ah la kulmin 11-kii kulan ee lasoo dhaafay.

PSG, ayaa dhankeeda ku jirta xaalad murugsan waxaana dhaawac kaga maqan qaar kamida xidigaheeda ugu fiican.

Ciyaarta ayaa soo gali doonta 11:00 Habeenimo waqtiga geeska Africa, waxaana lagu ciyaari doonaa garoo Old Trafford.

SAFAFKA MACQUULKA AH:

Man Utd: De Gea; Young, Smalling, Jones, Shaw; Herrera, Matic, Pogba; Lingard, Rashford, Martial

PSG: Buffon; Kehrer, Silva, Kimpembe, Bernat; Marquinhos, Verratti; Nkunku, Di Maria, Draxler; Mbappe

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Golaha Wasiirrada Puntland oo la dhaariyay

Read Next

17 qof oo ku dhimatay dab ka kacay hotel ku yaalla India.