17 qof oo ku dhimatay dab ka kacay hotel ku yaalla India.

Inta la xaqiijiya 18 ruux ayaa ku dhintay dab maanta oo Talaado ah ka kacay hotel ku yaalla dalka India .

Dabka ayaa ka kacay hotelka Arpit  Palace oo ku yaalla bartama Magaalada Saxmada badan ee Delhi,waxaa la arkaayay sawiro laga qaaday hotelka dabku ka kacay oo uu ka baxayo qiiq fara badan iyo holac  qariyay qeybaha kore ee hotelka.

Hotelka dabku qabsaday oo dab damisku isku dayayaan in ay damiyaan.

Sarkaal ka tirsan waaxda dab damiska oo lagu magacaabo Sunil Choudhary ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ay dhinteen 17 oo ku sugnaa Hotelka dadku qabsaday.

Warar ay baahiyeen Warbaahinta Gudaha India ayaa ku waramaya in dadka ku dhintay ay ku jiraan Caruur iyo waayeel isku dayaayay in ay ka baxsadaan dadka ka kacay hotelka.

Mustaqbal media

Read Previous

HORDHAC: Man United vs PSG Oo Markii Ugu Horeysay Isaga Hor Imaanaya Tartan Caalami ah.

Read Next

Saraakiisha Burundi ee AMISOM oo ka hadlay saameynta kunka Askari ee laga saarayo Soomaaliya.