Dowladda Canada oo 10 sano ka dib war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi
Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo kamid ah musharixiinta isbadal doonka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa kahor yimid heshiiska dhexmaray Axmed Madoobe, Cabdirashiid Xidig, Cabdinaasir Seerar iyo Sheekh Daahir.
Ciilmooge oo la hadlay Teleefishinka Universal ayaa sheegay in xubnaha heshiiska galay aysan ka tarjumin isbadal doonka Jubbaland, isaga oo labo qaybood u kala qaybiyay xubnahaas oo kala ah qayb is dooratay iyo kuwo shuruud ku xirtay doorashada, guud ahaan isbadal doonkoodana ay ahaayeen 12-ruux.
“Annagu aragti ayaan ku diidaneen, mana dooneen foodo iyo jabhadeyn, xubnaha heshiiska gaaray waa raggii isku caano shubay sida foodada ah oo aan innaga ka xishoonay, waxa ay wada galeen lama oran karo heshiis, waayo qol qarsoodi ah ayay wada fadhiisteen” ayuu yiri Cabdullaahi Ciilmooge.
“Gaf ayay nagu tahay in la dhaho isbadal doonka Jubbaland ayaa heshiis qaatay, xubnaha wada hadalka galay waa 20% marka la eego tirada kale, hal booli ah nirig xalaal ah ma dhasho, doorasho aan raali lagu wada ahayn ayuu Axmed Madoobe qabtay, wuu is dhaariyay wuuna is caleemo saaray” ayuu sii raaciyay Cabdullaahi Ciilmooge.
Haddiiba ay heshiis galayaan waxa uu sheegay in ay u dhaantay in sagaal bilood uusan lasoo gaarin, balse waxa uu dhaliyay tuhun ah in dhaqaale iyo xilal siyaasadeed lagu qanciyay Seeraar, Xidig iyo Sheekh Daahir sida uu hadalka u dhigay.
“Waxa aan uga harnay oo aan ku xirnay doorashadu waan ka weynay, mana qaadin tallaabo foodo ah oo dadka wax dhibaato ah u keeni karta, Axmed Madoobe waxa aan leeyahay maah-maahdaan talyaaniga ah ee ah: (Bisha 31-keeda biilna wey kuu dishaa mushaarna kuuma soo kordhiso), waxaana ku taaganahay mowqifkeena waa in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah” ayuu yiri Ciilmooge.
Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya waxa uu sheegay in ay dib usoo abaabulayaan qorshaha isbadal doonka oo lagu cadaadinayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
DFS ayaa kahor timid Doorashadii sanadkii hore ka dhacday Magaalada Kismaayo oo lagu doontay Axmed Madoobe, waxaana sidoo kale kahor yimid xubno ku haminayay in ay kula tartamaan doorashada, qaarkood ayaa la heshiiyay halka ay jiraan shaqsiyaad aan wali ku qancin maamulka Madaxweyne Axmed.
