Haweeney 7; Carruur ah halmar ku dhashay Dalka Ciraaq

Warbaahinta Dalka Ciraaq ayaa aad u hadal haya dhalashada todobo Carruur ah oo halmar dhashay waliba si caadi ah.

Haweeneyda Carruurtan dhashay oo magaceeda la qariyay ayaa si caadi ah u dhashay lix Gabdhood iyo hal wiil.

Waxaa ay ku dhashay Isbitaalka al-Batoul  ee Gobolka Diyala ee dalka Ciraaq,waxaana aad u hadalhaya dadka dalkaas.

Firas Al Izzawi, oo ah Afhayeen u hadlay Isbitaalka ayaa sheegay in dhacdadani tahay taariikha middii ugu horreysay gudaha Dalka Ciraaq.

Dhaqaatiirtu waxaa ay sheegeen in Caafimaadka hooyada iyo Carruurtuba uu aad u fiicanyahay,kuna suganyihiin negaasho.

Mustaqbal media

Read Previous

Somalia deploys Federal Police to fulfill AMISOM cut back bases

Read Next

Manchester United Oo 70-milyan ku dooneyso Jadon Sancho.