Ciidamada PSF oo isaga baxay xeradii ay kaga sugnaayeen Boosaaso
Kooxda Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay 70-milyan ku dooneyso saxiixa lacibka kooxda Borussia Dortmund Jadon Sancho.
18 jirkaan ayaa bandhig cajiib ah ka sameeyay horyaalka Germany kulamadii uu u ciyaaray kooxda Dortmund.
Majalada The Sun ayaa ku warameysa in laacibka kooxda Borussia uu soo jiiday indhaha Tababaraha kooxda United iyagoona ku doonaya aduun dhan 70-milyan
Jodan Sancho ayaa ka mid ahaa xidigii aadka looga doon doonayay suuqii jilaalka waxaana laacibka uu diirada u saarnaa kooxo dhowr ah waxaana ka mid ah PSG,Real Madrid waxaana markan kuso biirtay United-ka.
Sancho ayaa kooxdiisa u dhaliyay 13 gool 33 kulan oo uu saftay tan iyo markii uu kaga soo biiray Manchester City 2017.
