Anthony Martial iyo Jesse Lingard oo 3-dax todobaad garoomada ka maqnaanaya, Sabab?

Xidigaha Anthony Martial iyo Jesse Lingard ayaa ugu dambeyn la xaqiijiyay in mudada ay garoomada ka maqnaanayaan oo ah sadax todobaad.

Laacibiintaan ayaa ku dhaawacmay kulankii kooxdooda ay qasaarada 2-0 ah kala kulantay kooxda reer France ee PSG.

Anthony Martial & Jesse Lingard ayaa ka mid ahaa xiddigaha qaab ciyaareedka cajiibka ah ku jira kulamadii ugu dambeeyay laakiin waxa ay sidoo kale seegi karaan lugta 2-aad ee Champions League.

Dhaawaca labadan xiddig ayaa dhirbaaxo ku ah tababare Solskajer maadama ay labada xiddig ka mid yihiin qorshaha tababaraha tan ilaa markii uu kooxda la wareegay.

 

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Manchester United Oo 70-milyan ku dooneyso Jadon Sancho.

Read Next

Ernesto Valverde oo heshiis cusub u saxiixay Barcelona.