MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Haweeney la qariyay Magaceeda islamarkaana 65 jir ah ayaa Gabar ku dhashay Gobolka Kashmiir qeybta ay Hindiya maamusho.
Odaga qaba Haweeneydan oo lagu magacaabo Xaakim Diin, oo 80 jir ah, ayaa Alle ugu mahad celiyay Gabadha u dhalatay.

Xaakim, ayaa sheegay in hadda da’diisa ay mareyso 80 Sano xaaskiisana tahay 65 jir, cunugga kaliya ee Gabadha hadda u dhalatay ka weyn ee ay leeyihiina uu jiro 8 ilaa 10 sano sidaas darteedna ay ku adagtahay bixinta nolosha qoyskiisa.

Waxaa uu codsi u diray Muslimiinta isaga oo ka dalbaday in ay ka kaalmeeyaan noloshiisa adag ee uu hadda ku jiro.
Dr Shabir Sidiqui, ayaa sheegay in kiiskan dhalmada ah uu iska dhaaf Hindiya ee Adduunka naadir ka yahay islamarkaana Haweeneyda da’da ugu dambeysa ee ay ku dhali karto tahay 47 jir.
Haweenka ku dhala da’da ka weyn 50ka sano ayaa badanaa looga dhaliyaa qallin ama agab kale oo si dadban loo adeegsado.

Hooyada ugu da’da weyn ee ilaa hadda la diiwaangeliyay waa Maria del Carmen Bousada de Lara, oo u dhalatay Dalka Spain taas oo 66 jir ah islamarkaana sanadkii 2006dii Mataan ku dhashay dalkaas.

Laakiin si toos ah uma aysan dhalin,waxaana loo maray hahab kale, laakiin Haweeneyda Kashmiir ku dhashay Gabadha ayaa hadda noqoneysa hooyada ugu da’da weyn ee diiwaanka Caalamka ku jira oo si caadi ah u dhasha.

Dhaqaatiirta Isbitaalka ay ku umushay Haweeneydan ayaa sheegay in Gabadha iyo hooyadeed ay aad u caafimaad qabaan islamarkaana aysan jirin tabaryari ka muuqata hooyada da’da ah.
Isha:Daily Mail.
