Guudlaawe & Taliyaha Ciidanka ATMIS ee Secter Five oo ka wada hadlay Sugidda Amniga DG Hirshabeelle.

Madaxweynaha Dowladda Gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha Ciidanka ATMIS ee Secter Five iyo Saraakiil uu  hogaaminayay.

Madaxweynaha ayaa Taliyaha Secter Five ee Ciidamada ATMIS General Ndizigiye kala hadlay “sugida amniga iyo dardargalinta howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada.” Sida lagu yiri qoraal lagu daabacay Madaxtooyada Hirshabeelle.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Taliyaha Ciidanka ATMIS ee Secter Five iyo Saraakiil uu  hogaaminayay uga mahad celiyay kaalinta ay ku leeyihiin dib u xoreenta Goballada Hiiraan iyo Shebeellaha Dhexe oo uu maamulkaas gacanta ku haya.

Ciidanka Nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee hadda loo soo gaabsho ATMIS kuwooda Dowladda Jabuuti ayaa kaalin weyn ka qaatay la dagaallanka Al-shabaab gaar ahaan Gobalka Hiiraan oo ay ku sugan yihiin.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Bixi oo Cafis u fidiyay 546 maxaabiis.

Read Next

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la yeeshay Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya.