Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo u hanbalyeeyay Shacabka Somaliyed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa guud ahaan umadda Muslimka ah gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabada Ciidul-Adxa.

“Waxaan guud Umadda Muslimiinta ah meel walba oo ay joogaan gaar ahaan dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeynaa Munaasabada Ciidul-Adxa,waxaana u rajeynaa in ciidaan teeda kale ay ku gaaraan bash bash iyo barwaaqo iyo sidoo kale horumar intaan kasii badan oo dowladnimo ah” Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dhexdooda ay is caawiyaan oo ay gargaaraan midkooda liita sidoo kalena ay ka shaqeeyaan horumarka Dowladnimadeena.

Mursal waxa uu sidoo kale ku guubaabiyey shacabka inay ka shaqeeyaan xoojinta nabadda iyo xasiloonida dalka.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka  ayaa u hambalyeeyey Muslimiinta gudatey waajibaadka Xajka,

Mustaqbal media

Read Previous

RW Khayre oo Ummadda Somaliyed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Ciidul Adxaa

Read Next

Diyaaradda Ganacsi ee ugu weyn Adduunka oo uu leeyahay Amiirka Qadar oo iib ah,Sawirro