Guddoonka Baarlamaanka oo la kulmay Hoggaamiyaha SSC Khaatumo

Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha, Xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali.

Kulankan oo ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare, Senator Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde), iyo xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka, ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta xiriirka u dhexeeya Golaha Shacabka iyo maamulka SSC-Khaatumo.

Intii uu socday kulanka, waxaa lagu falanqeeyay wada shaqaynta hay’adaha sharci-dejinta heer federaal iyo heer degaan, si kor loogu qaado wadajir iyo midnimo qaran oo ku dhisan sharciga iyo kala dambeynta dowladnimo.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ayaa dhankiisa soo dhoweeyay booqashada Xildhibaan Abshirow, isaga oo ammaanay doorka uu ka qaadanayo horumarinta nidaamka sharci-dejinta iyo taageerada uu u muujiyay SSC-Khaatumo.

Mustaqbal

 

MM News

Read Previous

Maxkamadda ICJ oo diiday in Imaaraadka Carabta xasuuq ka geystay Suudaan

Read Next

Mareykanka oo xaqiijiyay duqeymo ay ka fuliyeen Buuraha gobolka Bari