Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS
Ugu yaraan saddex Qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen Qaraxa maanta ka dhacay Xarunta Degmada Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa u sheegay Warbaahinta in Saddexda qof ee dhimatay ay kala yihiin, labo Askari iyo Gabar baarista qaabilsan ay qarax ku dhinteen, waxaa kale oo la sheegayaa in mas’uuliyiin ka tirsan Nabad Sugidda Degmada uu khasaare ka soo gaaray weerarkaas.
Dugsi Qur’aan iyo Masaajid ka soo horjeeda Xarunta Degmada ayaa la sheegayaa in iyana uu khasaare gaaray.
Carruurta dugsiga dhiganeysay ayaa inta badan ku maqnaa Quraac,waxaana dugsiga joogay tiro kooban iyo Macallinkii Dugsiga,kaas oo ka mid ah dadka ku dhaawacmay weerarka maanta.
Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Degmada Howlwadaag, ayaa ka mid ah dadka ku dhaawacmay.
Wariyayaasha qaraxa kaddib goobta tagay ayaa sheegay in Gaadiidka Gurmadka deg degga ah ay dad badan ka qaadeen Goobta iyada oo wlai gurmad uu socdo.
Xarakada AL-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa maanta ka dhacay Xarunta Degmada Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho.
Halkan ka daawo muuqaalka warbixin kusaabsan qaraxa
https://www.facebook.com/mustaqbalmedia/videos/385112925355869/?t=0
