Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka, Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sheegay in bisha soo socota uu guddigoodu doorashooyin ka qaban doonno Dowlad-Goboleedyada Galmudug, HirShabeelle, Waqooyi Bari & Gobolka Gedo oo katirsan Jubbaland.
Waxa uu sheegay in howl adag loosoo maray sidii loo hirgelin lahaa Doorashooyinkaan dadweyne si Shacabka Soomaaliyeed ay u doortaan madaxda si lamid ah Gobolka Banaadir iyo Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed sida uu yiri.
“Bisha soo socota waxa uu Iftiinka Doorashooyinka ka daarmi doonnaa Gaalkacyo ilaa Ceel Carfiid, kaddib waxaana gayn doonnaa, Laascaanood ilaa Gedo oo Jubbaland ah” sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka, Cabdikariin Axmed Xasan
Gobolka Gedo waxaa kuwada sugan Ciidamada Federaalka iyo kuwa Dowlad-Goboleedka Jubbaland oo dhowr jeer ku dagaalamay degmooyin katirsan Gobolkaas, waxaana su’aalo la dul dhigayaa qaabka doorashadaan looga qaban doonno iyada oo labada dhinac ay xoogga saarayaan hab maamulka Gobolkaas.
Mustaqbal
