Hay’adda WHO “Halista Faafitaanka Ebola waa mid aad u sarraysa”

War kasoo baxay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa lagu sheegtay in ay sii kordhayso khatarta faafitaanka Cudurka Ebola, waxa ay tusaale usoo qaadatay sida uu faraha ba’an ugu hayo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

WHO ayaa sheegtay in haddii xaaladdaan aan gacan laga gaysan oo aan si wadajir ah looga hortagin cudurka Ebola uu ku faafi karo Dalal kale oo qaaradda ah sidoo kalena halistu sii kordhi karto sida lagu xusay Bayaanka kasoo baxay.

Qaybo badan oo kamid ah Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo waxaa la geliyay xaalad karaantiil ah oo waxaa la joojiyay isu gudubka Dadka maadaama ay jirto cabsida laga qabo faafitaanka cudurka Ebola.

Waxaa jira amar culus oo kasoo baxay Dowladda Congo oo la xiriira in dadka loo diido in ay qaataan Maydka dadkii ku dhintay Ebola sabab la xiriirta in qofkaas geeriyooday uu sii gudbin karo xannuunkaan sida ay ku warrameen khubarro Caafimaad.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koofur Galbeed & wafdi la socda oo gaaray Diinsoor

Read Next

Guddoomiye Cabdikariin: Bisha soo socota waxaa Doorashada ka qabanaynaa Gaalkacyo, Ceel Carfiid, Laascaanood ilaa Gedo