Golaha Wasiirrada XFS oo xilka ka qaaday Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed

Golaha Wasiirrada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay kulankooda toddobaadlaha ahaa oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka.

Kulanka ayaa waxaa xilka ayaa xilka looga qaaday Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Maxamuud Gabeyre, iyadoo xilkaasi loo magacaabay Yaasiin Maxamuud Cibaar.

Xilka qaadista iyo magacaabista waxaa soo jeediyay Wasaaradda Ganacsiga ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya oo guddoomiyaha cusub ee rugta ganacsiga fartay inuu muddo laba sano gudahood ah ku diyaariyo Doorasho hufan.

Sidoo kale, Golaha Wasiiradda ayaa cod aqbaliyad ah ku ansixiyay danjironimada Cabdifataax Maxamed Ibraahim, sidoo kalena darajada danjirenimo u dalacsiiyay Shaafici Nuur Calas.

Ugu dambeyn, Xubnaha Golaha Wasiirrada ayaa laga dhageystay warbixinno la xiriira amniga sida dagaalka AS, Difaaca dalka iyo u adeegida Bulshada Soomaaliyeed.

Mustaqbal

 

MM Staff

Read Previous

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo Daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda

Read Next

Dowladda Soomaaliya oo ka tacsiyeysay geerida Wasiirkii Gaashaandhiga dalka Jabuuti