Goddoonka labada Aqal ee BFS oo faray dardargelinta dhameystirka dastuurka

Guddoomiyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeennada labaad ee Golayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Guddiga Lasocodka iyo Dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa Aqal.

Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Guddiga Madaxabanaan ee Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, iyaga oo halkaas looga dhageystay warbixin ku saabsan marxaladaha ay marayaan howlaha la xiriira dib u eegista dastuurka iyo qorshayaasha uga degsan xiliga ay Baarlamaanka horgeeynayaan cutubyada harsan.

May be an image of 6 people, dais and text

Sidoo kale, Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddiga Lasocodka, dib u eegista Dastuurka ee BFS iyo guddiga Madaxabanaan ee Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa isku raacay dardargelinta howlaha la xiriira dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka.

Horay labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyeen 4ta cutub ee ugu horraysa Dastuurka Kumeeel gaarka ah.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Xildhibaan Cabdi Ibraahim (Qowdhan) oo loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka

Read Next

MW Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Midowga Yurub ee Soomaaliya