RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shir la yeeshay ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya, kuwaas oo uu kala hadlay iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay qorsheyaasha dowladda ee dib-u-heshiisiinta, xoojinta dowlad-wanaagga iyo horumarinta nidaamka dimoqraadiyadda ee salka ku haya doorashada tooska ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in ay ka go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta iskaashiga caalamiga ah, si loo xaqiijiyo midnimada, iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub doorkooda muhiimka ah ee dib-u-dhiska hay’adaha dowladda, taageerada nidaamka federaalka iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed.
Mustaqbal
