Ghana oo Boolis cusub u soo daabuleysa Somaliya

Dowladda Ghana ayaa sheegtay in ay Soomaaliya u soo direyso Ciidan Boolis ah oo qeyb ka noqda howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Ghana waxaa ay sheegtay in 120 Sarkaal oo Boolis ah ay dhawaan u soo direyso Soomaaliya,kuwaas oo beddelaya Ciidan ka tirsanaa Booliska AMISOM oo dalka ka baxay.

“Waxaa ay Ciidamadaas hadda qaadanayaan tababar iyo habdhaqanka kala duwanaanta sidoo kale waxaa uu tababarka u dhamaanayaa Bartamaha Bisha March,waxaana kaddib xigaya qalabeynta iyo daabulidda”, ayuu yiri  Baba Saanid Adamu,oo ah agaasimaha xiriirka dibadda ee Booliska Ghana.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada 120ka ah ee Tababarayaasha ah loo daabuli doono Muqdisho kaddibna loo sii gudbinayo Magaalada Baydhaba ee degaannada Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Shalay waxaa dalka ka baxay 40 Sarkaal oo Booliska AMISOM ka bid ahaa kuwaas oo u kala dhashay lixda dal ee Booliska ku yaboohay AMISOM.

Mustaqbal media

Read Previous

Ghana To Deploy 120 Police Officers to Somalia

Read Next

Itoobiya oo sheegtay in ay diyaarisay duullaan ka dhan ah Al-shabab