Gaza oo markale wajahaysa xaalad aad u adag!

Magaalada Gaza ayaa markale wajahaysa xaalad adag kaddib markii Militariga Israa’iil ay sheegeen in ay goob dagaal ka dhigeen Magaaladaas oo khasaara xooggan kasoo gaaray dagaalladii ugu dambeeyay ee halkaas ka dhacay.

Militariga Israa’iil ayaa sidoo kale khasaara weyn gaarsiiyay Dadka rayidka ah ee Magaalada Gaza iyaga oo beegsaday goobo kala duwan, muuqaallo uu soo gudbiyay Teleefishinka Aljazeera waxaa ka muuqday Dad badan oo dhimasho iyo dhaawac ah.

Xukuumadda Benjamin Netanyahu oo kusii kordhaya marba marka ka dambeysa culeyska gudaha iyo dibadda ayaa billaawday in ay kordhiso weerarka ay ku dhaqangelineyso damaca labada sano ka badan ku jiray ee ah in ay qabsato Magaalada Gaza.

Dhanka Xamaas, war kooban oo kasoo baxay waxa ay ku sheegtay in ay qaadayso tallaabo ka dhan ah Ciidanka kusoo duullay oo horay u dhadhamiyay natiijo aanay mahdin, waxa ay soo hadal qaadday halista ay wajahayaan Xamaabiista ay heystaan.

Dhimashada ayaa kordheysa saacadba saacadda ka dambeysa, dadka dhaawacmay oo markii hore ku jiray xaalad go’doon cunto iyo gargaar ayaa laga sii walaacayaa maadaama goobaha Caafimaadka ay beegsanayaan Ciidanka Yuhuudda.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Ciidamada ammaanka Kenya oo howlgallo ka dhan ah ‘AS’ ka billaabay Mandheera

Read Next

Senator Cabdi Ismaaciil “Wasaaradda Arrimaha dibadda Maraykanka waxa ay dhahday Soomaali la kala googoynayo kuma jirno”