Gabar u dhalatay Morocco ayaa saaxiibkeed dishay kaddibna karsatay oo ku qadeysay!.

Falkan waxaa uu ka dhacay magaalada Al Cayn ee Sohdinta Imaaraadka iyo Cumaan, dhinaca Imaaraadka.

Gabadhan ayaa saaxiibkeed dishay markii uu u sheegay in uu Gabar kale ka guursanayo Dalka Morocco, 7 Sano ayey saaxiib ahaayeen, markii ay karisay, haraadigiisii waxaa ay siisay shaqaale Pakistaniyiin ah oo u shaqeynayay.

Wiil la dhashay ninka la dilay ayaa tagay Guriga,waxaana ay u sheegtay in walaalkiis ay ceyrisay,laakiin maalmo kaddib ayey dad deriska ah ka codsatay in ay Guriga la nadiifiyaan halkaas oo Iligtiisa laga helay.

Mid ka mid ah Ilkahiisa ayaa laga helay Guriga,baaritaan lagu sameeyay Hidda sidahiisa ayaa lagu ogaaday in ay sidaas wax u dhaceen.

Gabadhii ayaa loo diray Isbitaalka si baaritaan Maskaxeed loogu sameeyo,waxaana kaddib la soo taagi doonaa Maxkamad.

Maseeyroow magacaa ba’.

Isha: Gulf News/ BBC

Mustaqbal media

Read Previous

Israel: “Hoggaamiyaha Xamaas waqti yar baa uga haray nolosha”

Read Next

Koox hubeysan oo dil iyo dhaawac ka geysatay Boosaaso