Gaas: “ Somaliland,Daacish iyo Al-shahab heshiis ayey ku yihiin dagaalka Puntland”.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas,ayaa waxaa uu ka hadlay amaanka degaannada maamulkiisa iyo cidda dagaalka kula jirta.

Isaga oo boqolaal dadweyne ah Salaadda Ciidda kaddib la hadlayay ayuu Gaas kaga hadlay dagaalka uu maamulkiisa kula jiro Somaliland,Daacish iyo Al-shabaab.

Gaas,ayaa sheegay in dhaq dhaqaaqa ka dhanka ah maamulkiisa ay ee ay wadaan saddexda dhina laga garan karo in ay heshiisyihiin.

Waxaa uu sheegay in Puntland ay tahay degaan nabad ah,islamarkaana ay ka jirto xasillooni,waxaa uu Gaas sheegay in maamulkiisa uu iska difaacayo qolyaha weerarka ku ah.

Somaliland ayuu ku eedeeyay in ay ku duushay degaannada Maamulkiisa,Puntland ay iska difaaceyso weerarka dhinaca Somaliland.

C/Wali Gaas ayaa dhawr jeer Somaliland ku eedeeyay in ay xiriir la leedahay AL-shabaab,hayeeshee Somaliland ayaa beenisay eedaha Gaas iyo maamulkiisa.

Mustaqbal media

Read Previous

Two dead as Blast heard outskirt of Mogadishu

Read Next

“iska daaya waa Muwaadin la halgamaya Afkiisa Hooyo”.