RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas
Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday kaddib markii Gaari uu lahaa Xildhibaan ka mid ah Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed uu ku qarxay Magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka Laami yaraha Soobbe ee Magaalada Muqdisho,waxaana Qaraxa ku geeriyooday Wadihii Gaarigaas.
Xildhibaanka Gaariga iska leh ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Cartan Bidaar oo ka mid ah Xildhibaannada Koofur Galbeed sidoo kalena wasiir ka soo noqday maamulka Koofur Galbeed.
Qaraxan waa kii labaad oo 24 saac gudahood ka dhaca Degmada Hodon iyada oo shalay Gaari ay leeyihiin Booliska uu ku qarxay agagaarka Seybinaayo halkaas oo uu ku geeriyooday Wadihii.
