Daanyeer xaday wiil yar si uu ula ciyaaro

Daanyeerkaan ayaa xaday wiil yar oo 2 sano jir ahaa waxa uuna geestay meel cidlo ah oo jid dhiniciisa ah si uu ula ciyaaro.

Dadka deegaanka ayaa isku dayay in ay wiilka yar ka reebaan daanyeerka oo ay u celiyaan qoyskiisii oo baadi goobayay

The monkey and toddler can be seen innocently playing by the side of the road in India
Daanyeerka oo ku ciyaara wiilka yar.

Haweeney ka mid ah dadka deegaanka ayaa isku deydey in ay wiilka yar ka qaado daanyeerka kala soo tagay qoyskiisii wiilka yar.

The woman tries to take the baby back but the monkey clutches onto the child who is probably too young to realise what is happening
Waa haweenay dadka deegaanka ah oo isku dayeysa in ka qaado wiilka yar daanyeerka.

Balse daanyeerka ayaa marwaliba oo la isku dayo in wiilka loo soo dhawaado gashanayay laabta si aan looga qaadin wiilka yar ee uu la soo baxsaday.

Daanyeerka ayaa sidoo kale isku dayay dhowr jeer in uu la sii baxsado wiilka yar lakiin dadka deegaanka ayaa isku hareereyay si aanu ula baxsan wiilka yar maadaama wiilka ehelkiisu baadigoobayaan.

Qofka kamid ah dadka deegaanka ayaa mooliska kiisa kaga qaaday muuqaal iyo sawiro muujinaya sida daayeenku laabta ugu heysto wiilka yar ee uu doonayo in uu ku ciyaaro.

The primate appears to try and peel something off the two-year-old's head, shortly before someone approaches
Daanyeerka iyo wiilka yar

Wiilka yar ayaa isagana u muuqday in uu ku faraxsan yahay la joogida daanyeerka oo uu isagabu la ciyaaraayay.

Sanadkii hore ayey aheyd markii cunug yar laga heley meel ceel biyood agtii ah kaas oo uu fogeeyay daanyeer ka soo qaaday hoygiisii.

Isha: Daily Mail.

Mustaqbal media

Read Previous

Gaari uu lahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka K/Galbeed oo lagu qarxiyay Muqdisho

Read Next

5 qof oo ku dhimatay diyaarad ku bur burtay Kenya.