Sida ay sheegayaan wararka Mustaqbal ay ka heleyso Gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaa qarax la sheegay in uu ahaa Miino Wadada la geliyay uu ku qarxay gaari socdaalayay Gobolkaasi.
Ugu yaraan laba qof oo shacab ah ayaa ku dhintay kadib markii gaariga ay saarnaayeen uu dul maray Miinada ku qaraxday gelinkii dambe ee Maanta.
Dadkaan ayaa ku safrayay waddada u dhaxeysa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad, sida ay Mustaqbal u sheegeen goob-joogayaal.
Gaariga ayaa lagu sheegay in uu ahaa kuwa waa weyn ee Dhismaha, waxa ay Miinada la qaraxday isaga oo mararay meel u dhow Deegaanka Il-baq.
Deegaankaan waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay Weeraro Qaraxyo ah oo ay sheegteen Al-Shabaab, kuwaa oo qaarkood lala beegsaday Gawaari ay wateen askar iyo mas’uuliyiin ku socdaalayay halkaa.
Lama oga ujeedada loo bar-tilmaameed saday baabuurkan shacabku ay saarnaayeen, waxaana la qaaday Dadkii dhaawacmay si loo daweeyo.
