Kulan gaar ah oo dhexmaray Madaxweynayaasha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo kan Burundi Pierre Nkurunziza waxa ay kaga wada hadleen ciidamada AMISOM ee Jooga Soomaaliya iyo qorshaha kala guurka ee ah waqtiga bixitaankooda.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safar labo cishe ah shalay ugu amba baxay Dalka Burundi oo 28-ka Bishaan loo qabtay in kun kamid ah Ciidamadooda ka howlgala Hir-Shabeelle in ay saaraan.
Kulan gaar ah oo ay wada yeesheen labada Madaxweyne kadib waxa ay ku go’aamiyeen in la isugu yeero Madaxda Dalalka Ciidamooda ay ka joogaan Soomaaliya, si ay isaga wareestaan waqtiga bixitaankooda oo soo dhawaanayo.
” Waxaa jira go’aamo ay qaadeen Golaha Nabadda iyo amniga ee Midowga Afrika oo aan Burundi soo dhaweyneynin, waxaanan ognahay in Soomaaliya aysan ku faraxsanayn. Taasi waa sababta aan ugu yeeray shirwad degdeg ah sidaa darteed Waa in dib loo fiiriyaa go’aankaan ” Sidaas waxaa yiri Madaxweynaha Burundi Nkurunziza.
Bishii December 2018 Howlgalka Taageerada Nabadda Midowga Afrika waxaa la go’aamiyay in laga dhimo 1,000 Askari oo ka socda Burundi, si loosii guda galo qorshaha Dalka looga saarayo Ciidamada AMISOM oo dhowr iyo toban sano joogo.
Sida ku cad Jadwalka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobe 2017-kii waxaa hoosta lagu muddeeyay February 2019 in La bixiyo Kun kamid ah Ciidamada Burundi, lana Taageero Ciidamada Soomaaliya si ay isku diyaariyaan la wareegidda Dalka.
Dowladda Burundi ayaa Midowga Afrika Afartii Bil ka hesha Lacag dhan $18 Milyan oo ah Magdhawga Ciidamadooda ku jira Howlgalka AMISOM.
Isha: The East African.co.ke
