Faahfaahino ka soo baxaya duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellada Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo dhinaca cirka ah oo galinkii dambe ee maanta ka dhacday tuulada Maxaa-Saciid ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

War-saxaafadeed oo kooban oo ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in duqeynta lala beegsaday goob uu shir uga socday Xubno iyo saraakiil ka tirsan AS.

Bayaanka ayaa lagu xusay in duqeynta u dhacday sidii loo qorsheeyay, balse hay’adda ma sheegin magacyada shaqsiyaadka ka tirsan AS ee la dilay.

Marka laga soo tago bayaanka ka soo baxay Sirdoonka Dowladda, warar aan helayno ayaa xaqiijinaya in dad rayid ah khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka soo gaarey duqeymaha.

Dadkaan ayaa la soo warinayaa in ay ka ag dhawaayeen goobta ay dhibaatada ka dhacday, xiriiro aan la sameynay maamulka deegaanka ayaynan weli helin.

Sidoo kale, Dad rayid ah oo aan weli nolol iyo geeri lagu heyn, isla markaasna ku sugnaa deegaanka la duqeeyay.

Tuulada Maxaa-Saciid waxay ku taalla meel u dhow deegaanka Nuurdugle ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

Read Next

DFS oo xoojisay howlgallada ka dhanka ah AS ee Hirshabeelle